Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedMadaxweyne Farmaajo oo Shirka QM Markii Labaad uga Baaqday Sababo la xiriira...

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka QM Markii Labaad uga Baaqday Sababo la xiriira Pasaborka Mareykanka ee uu Heysto

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Ka Baaqashada Madaxweynaha ee Shirka QM ayaa la sheegay inay la xiriirto baasaboorka Mareykanka ee uu heysto, taasoo la sheegayo marka uu ku safro oo uu Mareykanka ku tago aanu heli doonin xasaanad, isla markaana uu noqonaayo sidii muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments