Baarlamaanka Soomalia oo hadda Dood Culus ka yeelanaya Dilkii arxan darrada ahaa ee Muqdisho loogu geestay Muwaadin soomaaliyeed oo Heeb sooc qabiil loo beegsaday kaasi oo lagu magacaabi jiray axmad mukhtaar saalax.
Xildhibaanada ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin falkii foosha xumaa ee caasimadda muqdisho ka dhacay waxaana qaar kamid ah xildhibaanada oo uu kamid yahay xildhibaan cabdi shire jaamac ay sheegeen in ay ka seexan waayeen falkaas dilka ah ee naceybka ku salleysnaay.
Xildhibaanada ayaa ugu baaqay laamaha cadaaladda in ay sharciga waafajiyaan dadkii falkaas arxan darrada ah geestay.