Maanta waxaanu joognaa xili aynaan u baahneen Qab qable iyo Hoggaamiye Dhiig miirad ah Dagmooyinka Gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha loo magacaabaayo waxaa lagama maar maan ah in si qota dheer ah looga fiirsado xubnaha loo magacaabaayo iyo khalfiyaatkooda iyo malafaatkooda taariikhda u galay.
Jacfar Abuukar oo horay usoo noqday guddoomiyihii dagmada Howl-wadaag marna xilal kasoo qabtay taliska NISA ayaa hadda loo magacaabay dagmada Dayniile.
Jacfar xiligii uu guddoomiyaha ka ahaa Dagmada Howl-wadaag wuxuu si bareer cad ah u qaatay Hanti dadweyne iyo dhulal ay leeyihiin dad shacab ah isagoo weliba u awood sheeganaayo .
Dhul ilaa lix boos ka kooban oo dad Shacab ah ay leeyihiin ayuu xoog ku qaatay Jacfar waxaana xiligaas uu dadkii dhulka lahaa ugu hanjabay in uu madaxa ka toogan doono.
Dhulalkaa uu xoogga ku heysto jacfar waxaa uu ku yaalaa meel aan ka fogeyn xarunta Dagmada Howl-wadaag waxaana hadda ka dhisan hal dabaq iyadoo darbi weyn uu kusoo ootay ciidan maleeshiyo ah oo isaga ku heeb ahna ay u waardiyeeyaan
Kadib markii xilka dagmada Howl-wadaag laga qaaday waxaa dacwad laga geeyay maxkamadda gobolka Banaadir taasi oo ku wajahan dhulalka uu baadda ku heysto dhowr jeer ayey maxkamadda u yeertay jacfar isagoo talska NISA ka tirsan Balse wuu ka dhago fureystay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir kadib markii ay dhowr jeer u yeertay ayna eegtay dukumiintiyada dhulalka uu jacfar xoogga ku heysto waxa ay u xukuntay dadkii dhulalkaasi lahaa waxaana xukunkaas uu dhacay dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay.
Maxkamadda waxaa ay warqad warranty ah u dirtay Jacfar ha yeeshee wuu iska soo diiday in uu qaato warqadda maxkamadda.
Haddaba waxaa aan la yaabay in Dagmada Kale loo dhiibo Ninka horay u baaday Dadkii uu Guddoomiyaha uga ahaa dagmada Howl-wadaag Mise waxaa haddana loo xalaaleyn rabaa in shacabka Dayniile uu dhulal kale ka boobo oo uu u awood sheegto?
Xilka qofka loo dhiibaayo halaga fiirsado hana loo turo maatida aan awoodda heysan islamarkaana aan hubeysneyn koleey nin hubeysan xoolahiisa lamaba dhici karee.
#Xigasho Qof kamid ah Dadka u dulman Jacfar Abuukar.