Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedSoomalia oo u gudbeysa Nidaamka Xisbiyada Badan Xili Doorashada ay soo dhawdahay

Soomalia oo u gudbeysa Nidaamka Xisbiyada Badan Xili Doorashada ay soo dhawdahay

Soomaaliya ayaa u gudbeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku egtahay waqtiga diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda dalka, waxaana doorashada sanadka 2020 ay noqon doontaa mid Xisbiyo ay ku tartamaan.
 
Xisbiga Talada Dalka haaya ee NabadiyoNolol ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa waxaana shalay si rasmi ah xarunta Guddiga doorahsooyinka u tagay Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka isagoona soo qaaday xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed.
 
Xisbiga NabadiyoNolol waxaa Guddoomiye ka ah Madaxweynaha Soomalia Mudane Maxamd C/llahi Farmaajo waxaana xubno ka ah Ra’isul wasaare Kheyre xubno golaha wasiirada ka tirsan Xildhibaano aad u tiro badan iyo siyaasiyiin aad looga yaqaan Gayiga soomaaliyeed.
 
Horay waxaa loo shaaciyay Xisbi weyn oo Mucaaradka ay ku mideysanyihiin waxaana Xisbigaasi Guddoomiye looga dhigay Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Shiikh Maxamuud.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments