Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedCiidamada NISA oo gacanta ku soo dhigtey rag ku hubeysan bastoolado

Ciidamada NISA oo gacanta ku soo dhigtey rag ku hubeysan bastoolado

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa sheegtay iney gacanta ku soo dhigtay labo ruux oo ay ku sheegtay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasoo doonayay inay dilal ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Daacish oo maleegayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka NISA, ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay ay damacsanaayeen iney dil u geystaan dad Shacab ah.

“Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal ay geystaan dad bastoolado ku hubeysan iyadoo falkii ugu dambeeyay shalay lagu diley labo wiil oo dhalinyaro ah xaafada Suuqa Xoolaha.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments