Habeenkii jimcaha 5-07-2019 Xaafada Ziud oost ee Magaalada Amsterdam waxa ka dhacay kulan balaaran oo si heersare loo soo agaasimay. kulanka waxa soo abaabulay Jaalliyadda Soomaalida xaafada Zuid-Oost Amsterdam oo uu hormuud ka ahaa Axmadeey Shariif Ujeedada kulanka ayaa aheyd sidii ay Soomaalidu baahiyadooda & Dhibaatooyinka ka heysta xaga Guryaha, Nabadgelyada , saboolnimada Arimaha la xiriira Dhalinyada & caruurta ugala hadli lahaayeen madaxda Degmadda Zuid oost oo uu hormuud ka ahaa ku xigeenka Gudoomiyaha Xaafada Mudane Drik de Jager. Mudadii uu shirku socday waxa la isku dhaafsaday mascluumaad badan iyo suaalo badan oo taabanayey Arimaha kor ku xusan. Jaalliyada Zuid oost & Madaxdii ka soo Qeybgashay kulanka waxay isla qaateen in lawada shaqeeyo Maamulka Degamaduna uu diyaar u yahay sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqyntaas xaga Amniga ( poliiska , guriyeynta , saboolnimada & Arimaha la xiriira baahiyada Dhalinyarada) Ugu dambeyntii waxa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Dalladda Guud ee Ururada Holland ( FSAN) Ali Ware Xusayna in uu yahay kulan muhim ah islamarkaana ku adkeeyey Jaalliyadda Zuid-Oost in ahadaan kuwo isku duuban, iskaalmeysta iskana warqaba. Kulan jawi wanaagsan ku dhamaaday oo cidwalba oo Gacan ka geystay ay Mahadsantahay gaar ahaan Gabdhihii cuntada soo diyaariyey & Tvga Somali4all
Sayid Ali seyr
Banaadirtimes.con
Amsterdam Netherlands