Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Somaliland iyo Jabhad hubeysan ay ka taagan tahay deegaan duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo, halkaasoo shalay dagaal ku dhex maray labada dhinac.
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayay Col. Caarre ayaa ka dhacay duleedka Ceerigaabo, kaasoo la sheegayo in khasaare kala duwan uu labada dhinac ka soo gaaray.
Afhayeen u hadlay Jabhada hubeysan ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay guulo ka gaareen, kalana wareegeen Ciidamada Somaliland deegaano dhowr ah.
Jabhadda hubeysan ee uu hoggaaminayay Col. Caarre ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hanjabayay inay dagaal ku qaadayaan Somaliland, iyagoo ah ciidan fallaago ah oo si adag uga soo horjeeda Maamulka Somaliland.