Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedArin Xasaasi ah : Wasiiro ka tirsan Dowladda dhexe iyo Xeer ilaaliyaha...

Arin Xasaasi ah : Wasiiro ka tirsan Dowladda dhexe iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo si qarsoodi ah ku soo gaaray Wadanka Holland

Xog Deg Deg ah. Waxaa Goordhaw oo Caawa ah socdaal aan horay loo sii shaacin oo qarsoodi ah ku tagay Magaalada Hague, ee Dalka Netherland Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo ay kamid yihiin Ra’isul wasaare ku xigeen Mahdi guulled, Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmad Cali Daahir, iyo mas’uul kale oo aan weli magaciisa aan la ii sheegin, sidoo kale waxaa si deg deg ah Halkaasi usoo gaaray Safiirka Somalia u fadhiya dalka Belgium Cali Fiqi oo socdaal ku joogay Dalka Mareykanka arrintaan kiiska badda ayuuna u yimid Hauge.

Waxaa soo ifbaxaya baqdin weyn oo la xiriirta kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya iyadoo warar hoose ay sheegayan in Mas’uuliyiin dalka Kenya ka socda ay ku suganyihiin Magaalada Huge oo ay ku taalo Maxkamadda ICJ oo kiiska dacwada ay taalo.

Mas’uuliyiintaan oo socdaalkooda aysan dowladdu ka hadal ayaa waxa ay dageen hotel aan ka fogeyn Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, waxaana xogta aan helay ay tibaaxeysa in Mas’uuliyiinta Somalia ay macquul tahay in halkaas ay kula kulmaan xubnaha dowladda Kenya ka socda.

Maxkamadda ICJ waxa ay kiiska dacwada u mudeysay Bisha November, balse waxaa soo ifbaxaya tuhun iyo shaki badan oo ku aadan in dowladda Somalia ay kenya wada hadal kala gasho kiiska badda taasi oo dhabar jab xooggan ku noqon doonta dedaalkii iyo rajadii ay qabeen shacabka soomaaliyeed.

Xogtaan ayaan Daqiiqado ka hor ka helay illo wareed ku sugan Magaalada Hauge waxaana goordhaw idinla wadaagi doona wixii warar ah ee arintaan soo cusboonaatay kusoo kordha Insha allah waxaana xusid mudan in socdaalka mas’uuliyiinta Soomalia uu kusoo beegmaayo iyadoo dowladda UK ay sheegtay in ay daneyneyso in kiiska badda wada hadal lagu dhameeyo, shalayna uu Muqdisho kula kulmay Ra’isul wasaare kheyre Ergo ka socotay Dalka Kenya.
Xiagsho:Abdi Aziz Xiddig

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments