Kulan ay isku yimaaden waxgaradka iyo Madaxda Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol Uk, Ayaa waxaa xalay lagu soo bandhigay qaabka loo qeybiyay gargaarkii la gaarsiiyay walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Hiiraan gaar haan Baladweyne.
Ugu horeyn waxaa hadka furay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol Mudane Abdishakuur Ibraahim ayaa waxuu faahfaahin ka bixiyay qaabka loo qeybiyay dhaqaalihii ay walaalha reer Birstol soo aruuriyeen sidoo kalane wuxuu mahadnaqay guud ahaan jaaliyadda sida ay walaalahood u garab istaagtay.
dhanka odayaasha waxaa ku hadlay Nabadoon Guushaay oo uga mahadceliyay dhalinyarada is xilqaatay gacantana ka geystay ineey ka qeybqaatqaan gurmadkaa.
Waxaa hadalka la siiyay Samafale, Abdul Ahmed oo dhalanyara ku amaanay sida ay mar walbo ugu taagan yihiin u gargaaridda walaalahooda Soomaaliyeed, Waxuuna baaq u diary guud ahaan Soomaalida in wali laga qeybqaato Gurmadkaa walaalaheen nooga baahan yihiin.
dhanka Haweenka ee gudiga gurmadka waxaa u hadashay Aqoonyahanad Dhoofo Husien oo sheegtay ineey waajib tahay in mar walbo la is caawiyo waliba marka uu dhibkaan camal dhaco waa in loo midoobaa ayer tiri.
ugu Dabneyb hadalka waxaa soo xiray Sakariye Mohamed oo ah Guddoomiyha dhalinyarada Brisol oo ahaa shaqsigii kulankaan soo abuubulay waxuuna mid mid ugu mahadnaqay dhamaan gudidii goobta joogtay iyo waliba guud ahaan Jaaliyadda Bristol.
Sayid Ali Aseyr
Brisol uk
caser620@hotmail.com