Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedDagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Kooxda Macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Dagaalkan oo socday mudo kooban ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihin deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya wrara kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay isdhaafsadeen rasaas xoogan, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada soo kala gaaray, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan dagaalkii xalay dhexmaray Kooxda Macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana dagaaladaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments