Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday waaberigii hore ee saaka Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu.
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Guutadooda Istish-haadiyiinta ay weerar ku qaadeen Saldhigga SIMBA ee ku yaala deegaanka Manda Bay, qoraalo ku qornaa luqadaha Carabiga iyo English-ka ayay Al-Shabaab ka soo saartay faah faahita weerarkaas.
Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo Mareykan ah oo tababarayaal u badnaa, kuwaasoo tababara Ciidamada Badda Kenya.
Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saldhigga Camp Simba ay ku sugan yihiin boqolaal ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duulaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya, sidoo kale si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka, hase ahaatee baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu qoray inuu jiro khasaare hordhac ah oo ay u geysteen ciidamada ku sugan xeradaas.