Ciidamada DFS ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay Xalay ka sameeyay Guriga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, waxaana ay kusoo qabteen hub uu lahaa Wasiirka.
Saraakiil Ciidan oo ku sugan Gobolka Gedo waxa ay Mustaqbal u sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay Rasaas nuucyadeeda kala duwan iyo hub yaallay Guriga Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waxa ay intaa ku dareen saraakiishu in howlgalka uu socday Saacado kooban, waxaana ilo deegaanka ah ay iyanna ku warrameen in Ciidamada baaritaanka sameeyay ay isku gedaameen Guriga Cabdirashiid Janan oo kolkii dambe isaga tageen.
Si dhab ah looma oga sababta keentay in Ciidamada DFS ay galaan Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka baxsaday Dowladda 28-kii Janaayo ee sanadkaan.
Cabdirashiid waxa uu ku sugan yahay Degmada Mandheera, inkasta oo uu sheego in uu qayb kamid ah Degmada Balad Xaawo uu ku sugan yahay, haddana ma jiro war kasoo baxay Wasiirka iyo Maamulka uu katirsan yahay.
Gobolka Gedo waxaa ka socda Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada DFS, dhanka kale waxaa iyanna abaabul wada Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan qaybo kooban oo katirsan Gobolkaas.