Monday, June 5, 2023
HomeCiyaarahaSawirro:-Kooxda Real Madrid oo guulweyn ka gaartay kooxda Barcelona

Sawirro:-Kooxda Real Madrid oo guulweyn ka gaartay kooxda Barcelona

Real Madrid ayaa gurigeeda Santiago Bernabeu waxa ay cashar ugu dhigtay kooxda ay isneceb yihiin ee Barcelona iyagoo ku garaacay 2-0 islamarkaana qaab ciyaareed la jecleystay soo bandhigay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Gool uu dhaliyay Vinicius Jr. bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta iyo gool uu ku quusiyay Mariano Diaz oo bedel ciyaarta ku soo galay dhamaadkii ayay Los Blancos ku xaqiijisatay guusha iyagoo hogaanka horyaalka La Liga kala wareegay Barcelona oo ay haatan hal dhibic ka sareeyaan.

Xiddiga reer Brazil Vinicius Jr. ayaa isku qoray taariikhda El Clasico isagoo noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya El Clasico isagoo rikoodhkaas kala wareegay Lionel Messi.

Labada kooxood ayaa ciyaar fiican soo bandhigay qeybtii hore iyagoo fursado iska helay inkastoo Barcelona ay heshay fursadihii ugu halista badnaa.

Los Blancos ayaase heshay fursadii ugu horeysay markii uu Toni Kroos fursad halis aheyd uu dulmariyay goolka, Barcelona ayaase ka jawaab celisay daqiiqadii 22aad markii ay kubad baas ah oo ay ciyaareen ay ku dhamaatay inuu Griezmann isna kubad hareermariyo goolka.

Goolhaye Thibaut Courtois oo wacdarro dhigay kulankaan ayaa fursad gool loo fishay ka beeniyay Arthur Melo daqiiqadii 34aad kaasoo dhowr ciyaaryahan iska soo dhexmaray halka uu sidoo kale fursad kale oo gool loo fishay oo uu Messi ku helay goolka hortiisa uu badbaadiyay isagoo duulaya.

expanded thumbnail

Laakiin labadaas fursadood waxaa u dhaxeysay mid halis aheyd oo uu daqiiqadii 37aad helay Vinicius Jr. kaasoo ay u harsaneyd kaliya inuu kubada la maro Pique laakiin waxa uu go’aansaday inuu darbeeyo isagoo kubada gacanta u geliyay Ter Stegen.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Daqiiqadii 56aad Real Madrid ayaa waxaa soo martay fursad gool loo fishay iyadoo Isco uu garabka bidix ee uu kubad halis aheyd ka qaaday laakiin kubada oo la filayay inay shabaqa ku nasato waxaa u duulay oo gacan ku bixiyay goolhaye Marc ter Stegen.

Daqiiqadii 61aad Real Madrid ayaa mar kale u dhawaatay inay shabaqa soo taabato iyadoo karoos la soo qaaday uu madaxeeyay Isco, waxay kubada garab dhaaftay goolhaye Ter Stegen laakiin waxaa xariiqda goosha ka soo bixiyay Gerard Pique.

Qeybtii labaad ciyaarta waxaa iska heysatay Real Madrid iyadoo Benzema oo kubad ka helay Carvajal uu daqiiqadii 63aad uu fursad halis aheyd si ciriiri ah ku dulmariyay goolka.

Vinicius Jr ayaa daqiiqadii 64aad ku andacooday rigoore ka dib markii taakal kala kulmay Arthur laakiin garsoore Mateu Lahoz ayaan dheg jalaq u siinin.

Daqiiqadii 69aad Barcelona ayaa bedel ku soo gelisay Braithwaite kaasoo bedelay Arturo Vidal, wuxuuna durbadiiba ka naxsaday Real Madrid isagoo ku qasbay goolhaye Courtois inuu darbadiisa ka soo bixiyo xariiqda goosha.

GOOOOL! Daqiiqadii 71aad: Real Madrid ayaa hogaan ay u qalantay u qabatay ciyaarta markii Toni Kroos uu garabka bidix kubad ugu dhex bixiyay Vinicius Jr. kaasoo isna kubada la xarooday ka hor inta uusan xagal ciriiri ah kubada dabamarinin Gerard Pique oo ka difaacanayay iyo goolhaye Marc ter-Stegen.

Vinícius Júnior oo da’diisa ay tahay 19 sanno iyo 233 maalmood ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga tan iyo markii Lionel Messi oo da’diisa ay aheyd 19 sanno iyo 259 maalmood uu seddexleey u dhaliyay Barcelona kulankii barbaraha 3-3 ku dhamaaday ee Camp Nou ka dhacay 10kii Maarso 2007.

Fursad uu Messi abuuray ayaa waxaa madax ku qasaariyay Pique halka Messi uu jaale ku qaatay qalad uu ku galay Casemiro.

GOOOL! Daqiiqadii 90+2: Real Madrid ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 2aad ee seddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daraty markii Mariano Diaz oo bedel ciyaarta ku soo galay kubad loogu dhigay garabka midig halkaasoo uu ka soo xarooday isagoo shabaqa ka taabtay Marc ter Stegen.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku xaaqday Barcelona iyagoo haatan hogaanka La Liga ku haya 56 dhibcood halka Barcelona ay kaalinta labaad u dhacday iyagoo leh 55 dhibcood.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments