Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedDFS oo xayiraad ku soo rogtay dadka ka imaanaya dalalka uu ka...

DFS oo xayiraad ku soo rogtay dadka ka imaanaya dalalka uu ka dilaacay caabuqa Coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dadka ka imaanaya dalalka uu dilaacay caabuqa Coronavirus aysan dalka soo geli karin muddo 20 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta safarkiisa.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa sababta go’aankaas loo soo saaray ku  sheegay in ay tahay mudadaas 20-ka maalmood ah baarritaano lagu sameynayo dadka soo galaya gudaha dalka.

Baaritaankaan lama cadeyn cidda sameyn doonta in ay tahay dowladda Soomaaliya iyo in ay jiraan dalal kale oo ka gacan siinaya.

Agaasimaha tayeynta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xayiran qaar ka mid ah wadamada uu ka dilaacay caabuqa Coronavirus.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dalalka dadka Soomaaliyeed ay ku xayiranyihiin oo ay ku jiraan Iran iyo Shiinaha ay ku dadaalayaan sidii dalka loogu soo celin lahaa, iyadoo laga taxadarayo in caabuqa Corona uu dalka soo galo.

 

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments