Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedShaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay ololaha Isxilqaan.

Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay ololaha Isxilqaan.

Shaqaalaha kala duwan ee xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u madlan ama u ballansan inay ka qeybgalaan ololaha isxilqaan ee ka socda goobaha danta guud ee Muqdisho.

Shaqaalaha oo ay hoggaaminayaan qaar kamid ah madaxda Madaxtooyada ayaa hadda howl ka haya  Xarumaha laga wado barnaamijkan, waxayna gudan doonaan waajibaadka laga sugayo ee ay ku leeyihiin wareega 12-aad ee ololaha.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan uu Madaxweynaha Qaranku derdergelin xoogan ku sameeyey qaabka uu u socdo ololaha isxilqaan, isagoo mahadcelin u jeediyay dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee ka qayb gala ololaha isxilqaan.

Xigasho Sonna.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments