Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedDadweynaha Mandheera oo ladhiban xiisada dagaal ee Jubaland iyo Dfs

Dadweynaha Mandheera oo ladhiban xiisada dagaal ee Jubaland iyo Dfs

Wararka laga helayo magaalada Mandheera ee xuduudda la leh Soomaaliya ayaa sheegaya in tan iyo saqdii dhexe ee xalay ay hawada ka maqan tahay adeegga shirkadda Safaricom ee ugu weyn isgaarsiinta Kenya.

Lama ogga sababta ka dambeysa arinkaasi, shirkaduna weli kama aysan hadlin,Weriyaal ku sugan magaalada Mandhera ayaa soo sheegaya in qeybo kamid ah magaalada ay ku sugan yihiin askar ka tirsan ciidamada Jubbaland ee dhawaan laga saaray fariisinkii ay ku lahaayeen xuduudka.

Weriyaasha  ayaa intaas ku daray in weli ay xiran yihiin iskuullada, shacabkuna aysan ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii dhacay maalinkii Isniinta.

Waxaa xusid musan in anteenada Safaricom ee Mandheere ay hawada ka maqneyd intii uu socday dagaalkii dhacay maalinkii Isniinta,Weli lama ogga halka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Jubbaland ee horkacayay ciidamada ku sugnaa xuduuda, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments