Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedMadasha xisbiyada qaran oo soo saaray war-murtiyeed.

Madasha xisbiyada qaran oo soo saaray war-murtiyeed.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warmurtiyeedka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa,kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.

Sidoo kale Warmurtiyeedkooda waxaa ay ku sheegeen in dhamaan Madasha Xisbiyad Qaran wada hadallo iyo taloyin ay isku darsadeen,kadib ay isku raaceen inay ku midoobaan Hal Xisbi Siyaasadeed.

Si loo gaaro midnimo iyo qaabka uu noqonayo Xisbiga ay ku midoobayaan ayay sheegeen in la magacaabayo Guddi farsamo oo muddo 45 Cisho ah kusoo dhameystira howlaha farsamo ee la xiriira Arrintaas.

Warmurtiyeedka Madasha Xisiyada Qaran oo aad u dheer ayaa waxaa ay dalbadeen in doorashada Soomaaliya ay waqtigooda ku dhacdo,sidoo kalena si shuruud la’aan ah ay kulan isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Halkaan ka aqriso.

Madaxda Xisbiyadaan ayaa Mudooyinkii dambe waxa ay kulamo siyaasadeed ku lahaayeen Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga,waxa lagu wadaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan hal xisbi siyaasadeed oo ay ku midaysanyihiin Madaxda Mucaaradka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments