Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedSawirro:- Madaxweynihii hore ee Puntland oo gaaray Garoowe.

Sawirro:- Madaxweynihii hore ee Puntland oo gaaray Garoowe.

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ujeedka safarka uu ku tagay Cabdiwali Puntland waxaa lagu sheegay in uu ka qaybgalayo shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Deni ee ay ka qaybgalayaan Saamileyda siyaasadeed ee Puntland.

Shirkaan ayaa dhacaya 15-ka bishaan oo ku beegan todobaadka soo socda sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale, Gaas waxa uu socdaalkiisa uga faaiideysanayaa khilaafka ka dhex jira DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland, maadaama uu xubin ka yahay Xisbiyada Mucaaradsan Xukuumadda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments