Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Jubaland oo wadahadal ugu baaqay Madaxda DFS.

Madaxweynaha Jubaland oo wadahadal ugu baaqay Madaxda DFS.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) oo furay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka maamulka Jubaland ayaa kahadlay arimo badan oo laxiriira khilaafka maamulkiisa iyo madaxda dowlada federaalka Soomaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa dowlada Qatar ku eedeeyay inay lacag badan kubixiso khilaafyada udhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwo DFS dhanka kale waxa uu si xoogan ooga hadlay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo isagoona nasiib daro ku tilmaaamy in deegaano laga xoreeyay alshabaab ay dib isugu dagaalaan ciidamo kawada tirsan dowlada federaalka Soomaliya.

Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaliya ayuu ugu baaqay wada hadal inuu layeesho madaxda maamulgoboleedyada islamarkaasna lasoo afjaro khilaafka ka dhex taagan.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa fasax dhawaan galay, kadib markii kalfadhigii 1-aad ay ku doorteen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Natiijada Doorashadaas iyo dhismahoodaba waxba kama jiraan ku tilmaamtay DFS.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments