Waxaa sii kordhaya dhinacyada ka hadlaya xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo war-saxaafadeed kasoo saaray xiisada diblomaasiyadeed ee kasoo dhex cusboonaatay dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay in xiligan labada dhinac uu khilaafkoodu qarka u saaran yahay in uu isku badalo gacan ka hadal militeri, taasna aysan habooneyn.
Guddoomiye Moussa Faki waxaa uu ugu baaqay guud ahaanba madaxda geeska Afrika in ay kaalin wanaagsan ka qaataan, isku soo dhaweynta xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.
Sidoo kale waxa uu cadeeyey in ururka Midoowga Afrika uu diyaar u yahay gacan ka gaysashada fidinta gogol nabadeed oo Soomaaliya iyo Kenya khilafkooda lagu soo afjaro.
War-saxaafeedka uu soo saaray Mr. Musa ayaa sidoo kale waxaa uu ku xusay in shacabka labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah kaa oo loo baahan yahay in dib loo sii amba qaado.
dad badan oo darsa arimaha siyasaadda gobolka ayaa aaminsan in khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka, kuwaas oo dano kala duwan oo siyaasadeed ka leh labada dal ee baratamaya.
Sidoo kale warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in dowladda Mareykanka ay ku cadaadinayso Soomaaliya in ay wadahadal dhab ah la gasho Kenya si loo soo afjaro mad madoowga siyaasadeed ee soo laa-laabtay.
Lama oga sida Soomaaliya ay ka yeelo doonto soo jeedinta hoggaanka ururka Midowga Afrika ee aadan in labada dal ay dhex dhexaadinayaan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u diiday soo jeedin ka timid Kenya oo ku aadaneyd in kiiska badda laga soo celiyo maxkamadda ICJ, isla markaana ururka Midoowga Afrika oo ay iskula jiraan labada dal uu xal rasmi ah ka gaaro kiiskan.