Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedNin isku dilay magaalada Muqdisho.

Nin isku dilay magaalada Muqdisho.

Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa nin oday ah oo maanta isku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno geerida ninkaas ayaa waxa ay sheegayaan in gacantiisa uu iskula dhuftay Toorrey, waxana la sheegay in xillikaas uu ku sugnaa qeybta Maacuunta ee Suuqa Bakaaraha.

Sawirro laga soo qaaday marxuumka oo lagu baahiyey baraha ay bulshadu ku xariirto ayaa muujinaya in Tooreyda uu iskaga dhuftay dhuunta, waxayna dadkii goobjooga u ahaa dhacdadaas sheegeen, in isla goobta uu ku geeriyooday marxuumka la sheegay in uu is dilay.

Dhacdadaan ayaa argagax gelisay dadkii ku sugnaa Suuqa, waxayna sheegeen in madaxa looga jiray marxuumka is dilay, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta kaliftay in uu is dilo.

Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa la sheegay in nin ku jiray xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafadda Balaag-sii, in uu isku dhex dal-dalay oo halkaas uu ku geeriyooday.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments