Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedYuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in...

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu aqbalay howsha uu u xilsaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu aqbalay howsha uu u xilsaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ee ku saabsan qaban-qaabinta xafladda lagu caleemo saarayo.

Sababta waxa uu ku sheegay in ay soo wada-shaqeeyeen Qoorqoor, isla markaana ay isku arag ahaayeen kolkii ay kawada tirsanaayeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu ugu ahad celiyay in si iskii u gartay in adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug, waxaana xubnaha guddiga ee lala magacaabay rajeeyay in hadba inta ay taagtoodu tahay kala shaqeeyaan.

“Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo” sidaasi waxaa yiri Yuusuf Garaad Cumar Gudoomiyaha guddiga caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug, Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleeedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban 10-Xubnood oo qaban-qaabiya Xafladda lagu caleemo saarayo, waqtiga ay dhaceyso iyo dadka lagu martiqaadayo.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments