Iyadoo malinimadii shalay ahayd Raisal wasaaraha xukuumada Soomaliya iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay xariga ka jareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed kaas oo lasheegay inay kubaxday lacag gaareysa 4.3Milyan oo doolar ayaa waxaa ka dhalatay dood dheer oo ah in lamusuq maasuqay lacagtaas.
Soomaali badan ayaa Aad uga dooday Sawir lagu soo bandhigay baraha bulshada kuwada xiriirto gaar ahaa aalada Facebook sawirkaas oo ku saabsan garoonka diyaaradaha Baraawe iyagoona aad ugu doodayay inuusan uqalmin lacagta lasheegay in lagu dhisay garoonka.
Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan in lamusuq maasuqay Lacagtii loo qoondeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe.