Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedXeer ilaalinta Puntland oo digniin udirtay ganacsato cabasho canshuur muujisay

Xeer ilaalinta Puntland oo digniin udirtay ganacsato cabasho canshuur muujisay

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Xareed oo la hadlay Warbaahinta waxa uu ka hadlay xiisadda salka ku heysa cabashada canshuurta ee ka dhex jirta Ganacsatada iyo Maamulka Puntland.

Xareed ayaa sheegay in waajib ay tahay in ganacsatada ay bixiyeen canshuurta ka dhalatay badeecadaha ay keensadaan si ay usii iibiyaan, waxaana uu digniin u diray ganacsatada diidan bixinta Canshuurta.

“Xafiiska Xeer ilaalinta guud waxa uu dacwad kusoo oogi doonaa eedeysanayaa ku sifoobay in aysan bixin Canshuurta, waxaana ka dhalanaya dambi weyn oo ciqaab culus wata, Ganacsatada waxa aan uga digeynaa in ay isku dayaan diidmada waajibka lagu leeyahay” ayuu yiri Maxamed Xareed Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntalnd.

Dowlad Goboleedka Puntand waxa uu digniin u diray Ganacsatada ka dhega adeegeysa bixinta canshuurta oo intooda badan ku doodaya in aysan awoodin bixinta lacagaha lagu kordhiyay, maadaama ay tilmaameen in dhowr oo kala duwan ay ku bixiyaan Canshuurta.

“Xafiiska Xeer ilaalinta guud markii uu arkay xadgudubyada xeerarka Dowlad Goboleedka Puntland ay ku xakameyso miisaaniyadda, waxaa waajib ku noqotay in ay soo saaraan digniintaan iyo wargelintaan, si Ganacsatada ay u bixiyaan Canshuurta, Ganacasadihii ka dhega-fureysta waxaa lagala wareegayaa Badeecadda si sharciga waafaqsan” ayuu sii raaciyay Xareed.

Ganacsatada Gaalkacyo, Boosaaso iyo Deegaanno kale oo katirsan Puntland waxa ay dhawaan sameeyeen shaqo joojin ka dhan ah Canshuur Xad-dhaaf ah oo ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments