Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedIlhan Cumar oo shaacisay in ay la aqal gashay Tim Mynett.

Ilhan Cumar oo shaacisay in ay la aqal gashay Tim Mynett.

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.

Ilhan Omar
Ilhan Cumar iyo Saygeeda Cusub waa sawirka ay soo galisay barteeda Instagram-ka.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Ilhan Cumar iyo seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen
Ilhan Cumar iyo seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Saygeedii hore iyo Caruurtii ay isku dhaleen oo ah laba Gabdhood iyo wiil.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhan sheegtay in ay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay in ay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Source:Fox News,BBC & Mustaqbal Radio.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments