Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedRag kuhowlanaa jarista dhirta oo la qabtay

Rag kuhowlanaa jarista dhirta oo la qabtay

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii taliska booliska Galgaduud ay mamnuuceen in la jaro dhirta , taasi oo ay uga gol-leeyihiin  inay uga hortagto nabaad guur ku yimaada deeganka.

Saraakiisha hoggaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ka digay in la jaro dhirta, islamarkaana laga ganacsado, iyadoona la sheegay in gacanta lagu dhigay dad tiradooda gaaraysa ilaa iyo 3 qof

Sidoo kale Sarakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah jarinta dhirta.

Deegaanada ka tirsan Gobolka Galgaduud  ayaa waxaa ku badan dhirta la jaro ee laga sameeyo ganacsiga dhuxusha, taas oo lagu eedeeyo inay ku dhaqaaqaan reer guuraa xoolahoodii ku waayay abaaraha soo noqnoqday iyo dhalinyaro aan helin fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments