Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedDhamaan tartamada ciyaaraha Qaarada Yurub oo la baajiyay

Dhamaan tartamada ciyaaraha Qaarada Yurub oo la baajiyay

Dhammaan tartamada Kubadda Cagta ee dalka Igiriiska iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub ayaa la haliyay, sababo la xiriira cabsida Caabuqa Corona ee fidaya.

Tarmada ugu caansan ee hakadka la galiyay waxaa ka mid ah horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League-ga, kaasoo balaayiin qof ay ka daawadaan caalamka daafihiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa la wada baajiyay kulamadii tartamada EFL-ka, FA-da Haweenka iyo sidoo kale Championship-ka Haweenka ee dalka Ingiriiska.

Marka ugu horreysa ee ay suurtagalka tahay in ciyaarahan qaarkood dib loo billaabo waa 3-da bisha April.

Mas’uuliyiinta horyaalka Premier League-ga ayaa sheegay in tartankaas dib loo ambaqaadi doono 4-ta bisha April, iyagoo sababta loo hakiyayna ku micneeyay “talo caafimaad iyo xaaladda hadda taagan sida ay tahay”.

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in dib loo dhigay kulamo ay xulka qaranka England dabayaaqada bishan la ciyaari lahaayeen dalalka Talyaaniga iyo Denmar.

Mas’uuliyiinta Tartanka EFL, oo billaaban doona 3-da April, hal maalin ka hor marka uu billaabanayo Premier League-ga, ayaa sheegay in kooxaha lagula taliyay inay iska joojiyaan “Howlaha aan aasaasiga ahayn”, sida: “soo muuqashada ciyaartoyda, booqashada garoomada tababarka iyo kulamada taageerayaasha”.

line

Hakadka la galiyay ciyaaraha dalka Ingiriiska ayaa yimid hal maalin kaddib markii la joojiyay qeybo badan oo ka mid ah tartamadii dhinaca ciyaaraha ee aaduunka.

  • Xiriirka Kubadda Cagra Qaaradda Yurub ee Uefa ayaa hakiyay kulamadii tartanka Champions League-ga ee isbuuca dambe dhici lahaa.
  • Waxaa la baajiyay kulamadii tijaabada ciyaarta cricket-ka ee England uga dhici lahaa Sri Lanka.
  • Horyaalka ciyaartoyda Golf-ka ee Florida ayaa sidoo kale la joojiyay hal wareeg kaddib.
  • Xiriirka Kubadda Cagta ee Faransiiska ayaa hakiyay kulamadii labada tartan ee League 1 iyo League 2, oo ah kuwa ugu waaweyn dalkaas.
  • Xiriirka ciyaaraha Rugby-ga ee Faransiiska ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan kulamadii loo ballansanaa, ilaa amar dambe.
  • Tartanka Formula E is ayaa la hakiyay muddo 2 bilood ah, waxayna tallaabadaas saameyneysaa tartamo ka dhici lahaa magaalooyinka Paris, Seoul iyo Jakarta.

Galinkii dambe ee Khamiista waxaa la shaaciyay in tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, laga helay Caabuqa Corona.

Aroornimadii hore ee Jimcada maantana, weeraryahanka kooxda Chelsea, Callum Hudson-Odoi, ayaa qirtay in ay saameynta cudurkaas gaartay.

Kooxda Everton ee isla horyaalka Ingiriiska ayaa iyana sheegtay in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda joogtada ah lagu arkay calaamadaha.

Horaantii isbuucan, dhowr kooxood – oo ay ka mid yihiin Arsenal, Chelsea, Leicester City, Bournemouth, Manchester City, Juventus iyo Real Madrid – ayaa shaaciyay in ciyaartoydooda oo dhan ama qaarkood iyo maamulkaba ay ku jiraan karantiil iskood ah.

Madaxa Horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, Richard Masters, ayaa yiri: “inta lagu guda jiro xaaladdan lama filaanka ah, waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa dhammaan kooxaheenna, dowladda, mas’uuliyiinta FA-ga iyo kuwa EFL-ka, qof walbana waxaan u xaqiijineynaa in caafimaadka iyo badbaada ciyaartoyda iyo maamulkaba ay tahay mudnaanteenna koowaad”.

Isku darka 10 ruux ayaa hadda gudaha UK ugu geeriyootay Caabuqa Corona, iyadoo la xaqiijiyay in uu ku dhacay dad gaaraya 596 ruux.

Waqti aad u adag ayaa soo wajahay Kubadda Cagta Ingiriiska iyo guud ahaan caalamkaba, waxaana khasaaraya dhaqaale badan oo soo gali lahaa haddii aan hakad la galin lahayn habsami u socodka ciyaaraha.

Markii si hoose arrinta loo eego, dhammaan dhinacyada ay khuseyso waxay qirsan yihiin dib u billaabista ciyaaraha ee loo qabtay horaanta bisha April ay tahay mid aan suurtagal noqon karin.

Hase yeeshee waxaa rajo laga qabaa in isbuuca dambe lagu dhawaaqo go’aan muddo hal sano ah dib loogu dhigayo ciyaaraha Euro 2020.

Haddii ay taasi dhacdo waxaa la helayaa waqti lagu kala maareeyo ciyaaraha baaqday ee tartamada dalalka Yurub gudahooda ah.

Xigasho BBC.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments