Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedSawirro:-Shirweynaha wadatashiga Puntland oo Garoowe ka furmay

Sawirro:-Shirweynaha wadatashiga Puntland oo Garoowe ka furmay

Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland waxaa ka furmay shirweynaha wadatashiga Puntland kaas oo uu dhowaan ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Shirka waxaa ka qeyb galay wafuud kasocotay dowlada federaalka Soomaliya oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro sidoo kale shirka waxaa ka qeyb ah Isimo,Cuqaal,Nabadoono,labada gole ee Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo shirka daahfuray ayaa dhaliil xoogan ujeediyay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

“Waxkasta waxay ka socon la’yihiin madaxda dowladda Soomaaliya, iyaga oo donaya in ay gacan maroorsadaan arrimaha dowlad-goboleedyada,..waxaan rabnaa in dib loo eego arrimaha Soomaaliya, dowladda Soomaaliya waa dowladdeenii lakin ma dhacayso in madaxdaasi siday rabaan ka yeelaan”

Wuxuu intaas ku daray in arrimaha gudaha ee Puntlandna sidoo kale laga wada-hadlayo,lana xisaabtamayo.

Haseyeeshee wuxuu hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyey in ay san Puntland ka tegeyn midnimada Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona mudo 3maalin ah iyadoona looga hadli dooni danaha Puntland.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments