Miraa iyo Maqooqe (muguka) oo ka soo go’a dalka Kenya ayaa laga helay jeermis sababa cudurada halista, sida lagu ogaaday sahan la soo saaray jimcihii la soo dhaafay, waa sida uu ku waramay wargayska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya.
Koox ka socotay Jaamacadda Beeraha iyo Teknolojiyadda ee Jomo Kenyatta iyo Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Kenya oo soo uruuriyay xogta tijaabadaan ayaa sheegay in ay halis caafimaad ku jiraan dadka isticmaala qaadka Miraa iyo Muguka.
Baarayaasha waxa ay ku taliyeen in la dhowro caafimaadka goobaha lagu cuno qaadka nuucyadiisa Miiraa iyo Maqooqaha oo ka baxa dalka Kenya.
Baarayaasha waxa ay ku taliyeen in dadka iibinaya la siiyo shahaadooyin caafimaad oo la cusbooneysiinayo seddexdii biloodba mar.
“Waa in ay sidoo kale ay helaan marin fayadhowr ku habboon” ayay soo jeediyeen baarayaashu.

“Dowladdu waa in ay dhistaaa tukaanno heerkiisu sarayso oo xaaladoodu nadaafadeed wanaagsan oo ay ku iibiyaan kuwa qaadka iibiya isla markaana xaddidaya iibka dukaanada badan,” daraasadda ayaa sidaasi sheegtay.
Baarayaasha waxa ay soo bandhigeen natiijooyinkooda usbuucii lasoo dhaafay shir sanad cilmiyeedka sanadlaha ah ee JKUAT kaas oo lagu qabtay xarunta jaamacada ee Juja.
Shirka oo socday laba maalmood ayaa soo jiitay tiro badan oo aqoonyahanno maxalli ah iyo ajaanib isugu jira ku waas oo soo bandhigay baaritaano ay sameeyeen.
Baarayaashu waxa ay soo uruuriyeen 155 caleemaha Jaadka ah, iyaga oo ka soo aruuriyay goobaha lagu iibiyo oo ka ah Islii, Kawangware, Kibra, Mathare iyo Dandora,waxaana baaritaan lagu sameeyay 24 goobood oo ka mid ah 5 degmo lagu ogaaday in uu jeermis leeyahay qaadka Miiraa loo yaqaan iyo kan Maqooqaha.