Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedDowlada Soomaliya ayaa amartay in lajoojiyo Qaadka iyo duulimaadyada caalamiga ee dalka...

Dowlada Soomaliya ayaa amartay in lajoojiyo Qaadka iyo duulimaadyada caalamiga ee dalka soogala.

Gudiyada arimaha bulshada,gaadiidka iyo maaliyada golaha shacabka ayaa kulan ay kuyeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga dhawaaqeen in gabi ahaanba lajoojiyo Qaadka Soomaaliya lakeeno lagana keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya maadaama dalalkaas laga helay cudurka Corono-Virus.

Dhanka kale raisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amray in mudo 15maalmood ah lahakiyo duulimaadyada caalamiga ah ee soo gala gudaha dalka Soomaaliya.

Joojinta qaadka yimaada Soomaliya iyo duulimaadyada caalamiga ah ayaa kusoo aadeysa xilli Kiiska ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus  laga  helay magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments