Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedAmar ay soo saartay Dowlada Soomaaliya oo guud ahaan dalka ka dhaqangalay.

Amar ay soo saartay Dowlada Soomaaliya oo guud ahaan dalka ka dhaqangalay.

Waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ka dhaqan galay amar ay horey usoo saartay dowlada federaalka Soomaliya kaas oo ahaa in 19bishaan oo maanta ku beegan aysan dalka soogali karin isla markaasna kabixi karin duulimaadyo caalami ah.

Diyaaradda Flydubai ayaa saaka dib uga noqotay hawada Somaliland, iyadoo waday rakaab ku soo wajahnaa magaalada Hargeysa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Dowlada Soomaliya ay amartay in diyaarada ay hawada ka noqoto lana raaco awaamiirta Wasaarada Gaadiidka ee ahaa inaysan duulimaadyada caalamiga ah aysan Soomaaliya imaanin laga bilaabo 19-ka bishan Maarso oo maanta ku beegan.

Sidoo kale diyaarada Ethiopia Airline ayaa joojisay safar ay magaalada Hargeysa ku tagi lahayd.

Wali waxaa jira Cabsi laga qabo Cudurka Corono-virus kaas oo saameyn xoogan kuyeeshay dunida oo idil isagoona si xowli ah ku fidaya arintaas ayaana keentay in duulimaadyada Caalamiga ah ay joojiso dowlada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments