Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedNin sheegay inuu daweyn karo Corono-Virus oo la xiray.

Nin sheegay inuu daweyn karo Corono-Virus oo la xiray.

Booliska dalka Rwanda ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu daweyn karo cudurka Corona kaddib markii barta YouTube-ka lasoo geliyay muuqaalkiisa.

Marie Michelle Umuhoza oo u hadashay waaxda dembi baarista ee booliska dalkaasi ayaa BBC u sheegtay in ninka ku andacooday inuu dadka ku daweeyo dhir dhaqameedka la xiray Talaadadii.

Waxay sheegtay in booliska aysan inaba aqbaleyn wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka saf-marka ah ee Covid-19, waxaana meesha laga saaray muuqaalka ninkaasi.

Rwanda waxay xaqiijisay 8 kiis oo ku saabsan cudurka Covid-19, dowladdana waxay goobaha dadweyna ku kulmaan ka hirgelisay meelo ay dadku ay gacmaha ku dhaqdaan sii looga hortaggo cudurkaasi.

Waxaa la xiray iskuulada iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas.

Ma jirto wax dawo ah ama tallaal looga hortaggayo cudurka Covid-19.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments