Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedCaalamka oo wali ka qaylo dhaaminaya Corono-Virus

Caalamka oo wali ka qaylo dhaaminaya Corono-Virus

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa codsaday $ 2bilyan oo gargaar bani’aadanimo oo caalami ah si loogu caawiyo wadamada faqiirka ah in ay wax ka qabtaan cudurka Coronavirus, iyada oo tirada dadka ku dhintey Talyaaniga iyo Spain ay sii korodhay.

Guterres waxa uu sheegay in COVID-19 uu khatar ku ahayd “aadanaha oo dhan waa in aan ladagaalanaa ayuu ku dhawaaqay”

Markii Qaramada Midoobay ay biloowday dadaallada, dhimashada dad badan ayaa laga soo sheegey Yurub – oo hadda ah xudunta ugu weyn ee cudurka – iyada oo Spain ay diiwaan galisay in ka badan 700 oo dhimasho ah 24 saac gudahood.

Hadda waa dalka Spain waa dalka labaad ee dhibaatada ugu badan uu gaarsiiyay Covid-19, marka laga soo tago dalka Talyaaniga Yurub dhexdeeda.

Dalka Mareykanka,  2 tirilyan oo doollar oo loogu talagalay shaqaalaha gargaarka, ganacsiyada, iyo nidaamka daryeelka caafimaadka ayaa loo  gudbiyay aqalka senate-ka si loo ansixiyo.

Dowladaha Caalamka ayaa dadaal ku bixinaya ka hortaga Xanuunka Covid-19

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments