Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya oo ku beegan 28-Maarso 2020, ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.
Qoraal ka soo baxay, Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.
Qoraalka ayaa lagu sheegay, in gebi ahaanba la joojiyay Qaadkii imaan jiray Puntland, laga bilaabo Lixda Makhribnim ee Sabtida berriya, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo mudadaas kadib Qaad soo gelisa Puntland.
Sida lagu xusay Qoraalka, Ardayda Reer Puntland ee ka soo laabanaya dalka Ethiopia oo keliya, ayaa mudda saddex maalmood loo ogolyahay, in ay ka soo geli karaan xuduudka, kadib markii la hubiyo Aqoonsigooda Ardaynimo.
Degaanada Somaliland iyo qaybo Maamulka Galmudug ayaa qaadka ka soo go,a dalka Itoobiya waxaa lagu soo galiyaa gawaarida, xamuulka qaad,halka Jubbaland laga soo galiyo duumo.
Dowladda Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumada Soomaaliya ayaa horay u mamnuucday diyaaradihii sida Maalin laha ah dalka qaadka u soo gali jiray.