Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMaamulka gobolka Banaadir oo amaro dul dhigay Hoteelada kuyaala Liido.

Maamulka gobolka Banaadir oo amaro dul dhigay Hoteelada kuyaala Liido.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar finish) ayaa soo saaray amarro ka dhan ah goobaha ay isugu tagaan Bulshada si looga hortago Coronaviurs oo saameyn taban ku yeeshay Caalamka.

Duqa Muqdisho waxa uu warbixin ku saabsan Coronavirus ka dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddiga abaabulka iyo wacyigelinta Covid-19.

Guddoomiye Cumar waxa amray in la xiro Goobaha ay isugu tagaan Bulshada ee ku yaalla Caasimadda sida hoteelada iyo Maqaayadaha, gaar ahaan kuwa Xeebta Liido kulaala oo ay isugu tagaan dad kala duwan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo Warbaahinta u aqriyay wargelinta kasoo baxday Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in tallaabooyinkaan looga hortagayo Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay 197 dal.

“Duqa Muqdisho waxa uu soo saaray amar ka dhan ah Goobaha isu imaatinka Bulshada ah, iyada oo laga duulayo kahor tagga fayruska faafa ee Corona waxaa la faray Maqaayada iyo Hoteelada in la joojiyo shaqada ay hayaan, gaar ahaan kuwa Liido ku yaalla oo ah kulanka bulsho badan” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu shacabka ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan sidii loo dhaqangelin lahaa amarrada lagu ilaalinayo caafimaadka Bulshada.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments