Wasaaradda Caafimaadka somaliland ayaa goordhawayd shaacisay laba qof oo laga helay xanuunka Coronavirus kuwaas oo ku sugan gudaha Maamulka gooni u goosad ah ee somaliland.
Wasiirka caafimaadka somaliland Cumar Cali Cabdulaahi oo ka mid ah guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus oo goor dhawayd warbaahinta kula hadlay xarunta wasaarada ayaa sheegay in laba qof oo ku kala sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay xanuunkaasi.
Wasiir Cumar ayaa sheegay in labada qof ay kala yihiin nin u dhashay wadanka Chine oo ku sugan magaalada Berbera isla markaana arimo ganacsi u joogay iyo nin u dhashay somaliland oo dhawaan ka soo laabtay wadanka UK kaas oo ku sugan magaalada Burco.
Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyay bukaanada laga ogaaday in ay qabaan Xanuunka Covid-19 oo aduunka dhibaato weyn ku haaya.
Waxa uu sheegay in labada ruux haatan xaaladoodu wanaagsan tahay ay gacanta ku hayaan hay’aha Caafimaadka u xilsaaran sida warbaahinta la wadaagay galinkii dambe ee Talaada.
Wasiirka caafimaadka somaliland Cumar Cali Cabdulaahi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay u hogaansamaan talaabooyinka Caafimaad ee Xukumada iyo guddiga loo xilsaaray ka horta Xanuunka Coronavirus ee Somaliland.