Maxay ka midaysan yihiin, jasiiradda Tuvalu ee ku taalla badweynta Pacific-ga iyo jamhuuriyadda Turkmenistan ee ka tirsanaan jirtay Soofiyeetka? Labaduba waxa ay ku jiraan liiska dalalka iyo deegaannada aanan shaacin hal kiis oo cudurka coronavirus ah wixii ka horreeyay 1-da bishan Abriil.
Tirada rasmiga ah ee ugu dambaysay oo ay isku soo dubbaridday Jaamacadda Johns Hopkins waxa ay muujinaysaa in Covid-19 lagu arkay ugu yaraan 180 dal iyo deegaanno, halka tirada dadka cudurkaas uu ku dhacay ee caalamka ay kor u dhaaftay 862,000.
Cudurkaas coronavirus waxa uu caalamku ku dilay in ka badan 48,00 halka in ka badan 200,000 oo qof ay illaa iyo hadda cudurkaasi ka bogsoodeen.
Hasayeeshee ku dhawaad 40 deegaan oo ku yaal daafaha caalamka ayaan – ugu yaraan si rasmi ah – weli u diiwaangelin kiis coronavirus ah.

Maxay noqon kartaa sharaxaadda sababta aanan dalalkaas loogu arkin kiisaska fayraska Covid-19?
Inta badan waa sida Tuvalu; jasiiradaha ay dadkoodu aadka u yar yihiin misana aanay dad badan u safrin.
Qaar ka mid ah jasiiradahaas waxaa loo tagaa dalxiis balse xayiraadaha lagu soo rogay duulimaadyada caalamiga ah waxay horseedeen inay joogsadaan inta badan dadkii deegaannadaas tegi jiray.