Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay kulankii galabta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegaya in Madaxda Madasha ay diidan yihiin in Musharax Hassan Ali Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho.
Madaxda madasha ayaa la sheegay in ay Kheyre ku cadaadinaayaan in uu marka hore cudur daar ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo qeyb ka ahaa, isla markaana mowqifkiisa caddeeyo.
Intaas kaddib Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu ka war helay diidmada Madasha ayaa caawa degdeg ugu tagay hoyga Madaxweyne Shariif oo ah Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxaana dhex maray kulan saacad qaatay, inkastoo aanu kulankaas wax xog ah weli ka helin, sidoo kale waxaa uu haatan kulan uu la leeyahay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.