Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedBeesha caalamka oo Shirkii midowga Musharixiinta Ka qeybgaleesa

Beesha caalamka oo Shirkii midowga Musharixiinta Ka qeybgaleesa

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 oo ku shirsan maalintii 4 aad magaaladda Muqdosho ayaa gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Musharixiinta ayaa sidoo kale, Xogheyn u doortay Xuseen Cabdi Xalane halka ay  Afhayeena u doorteen Ridwan Xirsi oo horay u ahaan jiray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya.

Shirkii midowga Musharixiinta ayaa maanta waxaa ku biiray culimada Suufiyada iyada oo galinka dambe ee maanta ay ka qayb galayaan xubno ka tirsan ganacsatada magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay shirkaan ayaa waxaa la soo gabangabeeyo maanta oo talaadaa hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay suurta galtahay in uu dib u dhaco ilaa maanlinta bari ah oo ku beegan 25 bisha November 2020.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xubnaha beesha caalamka ay shirkaasi ugu qayb qaadanayaan qaabka Zoom-ka ama fogaan araga si loogu lafaguro arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments