Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedGolaha Wakiilada DG Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Golaha Wakiilada DG Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa maanta yeeshay fadhigooda 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad waxaana la horgeeyay Miisaaniyadda sanadka soo socda 2021-ka, kadib markii dood ay ka yeesheen XIldhibaannada.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Fadhiga waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana xarunta ku sugneed 54-Xildhibaan sida uu sheegay shir guddoonka Baarlamaanka.

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Miinasadda la ansixiyay waxa ay gaareysaa $341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba), halka bishii ay noqoneysa $28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan).

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Xukuumadda ayaa ka dalbatay Golaha Wakiilada in uu ansixiyo miisaaniyadda kahor inta aan la gaarin sanadka soo socda 2021-ka oo maalmo bil iyo dhowr maalmood ay innaga xigaan curashadiisa.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Warbixinta miisaaniyadda waxaa Baarlamaanka u gudbiyay Guddiga dhaqaalaha & xisaabaadka oo wada-xaajood kala galay Wasaaradda maaliyadda DG Puntland, halka Golaha Wakiilada ayaa u cuksaday ansixinta Miisaaniyadda 2021 qodobada 64-aad, 135-aad, 58-aad iyo 63-aad xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo golahaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku dhawaaqay Natiijada codeynta Baarlamaanka ayaa sheegay in sidaas ay ansax ku tahay Miisaanidda Maamulka ee sanadka soo socda 2021.

Image may contain: 1 person

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments