Cumar Filish ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay inay magacowdo guddiga doorashooyinka, balse aan loogu hanjabi karin beel.
“Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Raisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaan masuuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid” ayuu yiri Cumar Filish.