Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedSoomaaliya & Pakistan oo kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya & maalgashiga

Soomaaliya & Pakistan oo kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya & maalgashiga

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Balal Maxamed Cismaan ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Makhdoom Shah Mahmood Qureshi, waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal, Ganacsiga & Maalgashiga.

Kulankaan ayaa suuragalay intii lagu guda jiray shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhacay Magaalada Niemey ee xarunta Dalka Niger.

Pakistan & Soomaaliya ayaa iska kaashanaya xoojinta iyo taageerada ay wadaagaan labada dhinac si loo hormariyo dhinacyada Xiriirka, Ganacsiga & maalgashiga oo muhiim u ah sare u qaadista iskaashiga Xukuumadaha Muqdisho iyo Islamabad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Makhdoom Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in Pakistan ay aad u daneyneyso xiriirka dalkaan dhaca Geeska Afrika oo bah wadaag ay ku yihiin ururo kala duwan.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa lagu sheegay in ay sii joogteynayaan kaalmada Bani aadamnimo, horumarinta iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada oo ay aad u daneyneyso Dowladda Soomaaliya.

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay martigelineyso Maalgashiga Pakistan, isla markaana dadka hantida leh ee daneynaya Dalka ay soo dhaweynayaan si ay uga faaiideystaan, Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha & khayraadka kale ee dabiiciga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegay in Dowladdiisu kaalmo xoogleh ay la garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay uga gacansiin lahayd dib u dhiska & horumarkinta dhaqaalaha oo fursad u ah soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka ayaa ku howlan xoojinta iyo dib u soo celinta xiriirka Dowladaha qaar kala dhaxeeya si loo helo fursad maalgashi oo dhaqaale badan kasoo xarooda, si loogu kabo dhaqaalaha Dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments