Saakay aroortii, maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex ruux oo horay loogu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana muuqaallo laga duubay ay ku qirteen.
Magacyada Ragga la toogtay ayaa kala ah: Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase), Saalim Saciid Maxamed (Salmaan) & Axmed Maxamed Haashim (Carab), sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxkamadda.
Kiisaska saddexdaan Rag ayaa maray heeraka kala duwan ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Darajada koowaad & tan sare, waxa ay wadajir ugu rideen xukun dil ah oo ah dadkii ay qirteen in ay dileen sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.
Cabdullaahi Buule Kamey Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa toogashada kadib Warbaahinta la hadlay, isaga oo faah-faahiyay heerarkii kala duwanaa xukunka saddex qof ee la toogtay uu soo maray.
Fulinta dilka toogashada ah ee Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase), Saalim Saciid Maxamed (Salmaan) & Axmed Maxamed Haashim (Carab) ayaa ka dhacay fagaaraha Iskool Bulisiiyo oo lagu toogto shaqsiyaadka lagu xukumo xukunnada dilka ah.
Xabsiyada Dowladda waxaa wali ku xiran shaqsiyaad Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybaha Darajada koowaad iyo tan sare ay ku xukumeen dil toogasho ah, waxa ay sugayaan fulinta xukunka ku dhacay.