Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan ay wadatashi ku sheegtay oo ay ugu yeeratay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, sidaas oo kale waxa ay Dowladdu ka dalbatay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya in uu dalkiisa dib ugu noqdo una tago Waddankiisa la tashiga Dowladdiisa!
Sababta u yeerashada Danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo dalbashada in Danjiraha Kenya ee Soomaaliya uu dalkiisa u tago Wadatashi waxa ay xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay in Kenya ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Waddanka Soomaaliya, dhaqanka diblomaasiyadeed ee Kenyana uu yahay dhaqan aan ku habboonayn kana baxsan dowlado ay kadhexeeyaan dano iyo derisnimo.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in Dowladda Kenya ay cadaadis ku hayso madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ayna ku dirqineyso in uu fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe ku gaareen magaalada Muqdisho 17-Sep-2020.
Tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya ee hoos u dhigidda xiriirka Kenya iyo eedeymaha dhinaca Diblomaasiyadda iyo xiriirka waxa loo arkaa in ay yihiin tabo cusub oo xukuumaddu kuladagaalameyso mucaaradka & guud ahaan musharixiinta xilka madaxtinimo ee doorashooyinka 2021.
Go’aanka Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyada oo 28-Nov-2020 uu madaxweynaha DG Jubbaland rejo xumo ka muujiyey in sida uu yahay xaalka siyaasadda Soomaaliya aysan suuragal ahayn in doorasho ku dhacdo, Axmed Madoobe ayaa yiri: “Dadka maamulka haaye ee madaxda faderaalka ah waa in ay fuliyaan wixii lagu heshiiyay waxaan ku heshiinay in doorashadaasi dhacdo state(maamul)walba laba meelood ku qabto, waxaan diyaar u nahay in aanu qabo oo laba meel ku qabano laakiin waa goorma? Waa marka ay gacanteena ku soo noqota ee gudoomiyaha gobolku uu tago,ee ku xigeenkiisu uu tago, ee maamuladii degmooyinka ay tagaan, ee madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa ay tagaan, wasiiradda iyo xildhibaanadu intay tagaan ay wax ku samayn karaan”
Go’aanka Dowladda Soomaaliya ku gaartay hoos u dhigidda xiriirka Kenya waxa ay filayaan diblomaasiyiinta iyo falanqeeyeyaasha xiriirka caalamiga ah in uu saameeyo Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti oo safaarado ku leh Muqdisho islamarkaana uusan wanaagsanayn xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jibuuti waxa booqday xubno kamid ah mucaaradka iyo musharixiinta lagayaabo in ay xilka kulatartamaan madaxweyne Farmaajo sidaas awgeed waxa suuragal ah in xukuumadda Soomaaliya la meel dhigto Wadamadaas sida Kenya.
Go’aankan ayaa diblomaasiyiintu aaminsan yihiin in uusan dhab ka ahayn Xukuumadda Soomaaliya sababtana waxa ay u arkaan in ay tahay joogitaanka kudhowaad 3 Kun oo Askeri oo katirsan Ciidanka howlaglka midowga Afrika ee Soomaaliya kuwaas oo ay leedahay Kenya iyo dhinaca Kenya oo ay xeryaha qaxootiga ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo kudhow Nus Milyan.
Dad kudhow maamulka gobolka Banaadir ayaa u sheegay Mustaqbal in Isniinta oo kubeegan 30-Nov-2020 uu xafiiska guddoomiyaha gobolku abaabulaya Bannaanbax lagu taageerayo mowqifka DFS ee ku wajahan hoos u dhigidda heerka diblomaasiyadda Kenya, waxa la filayaa in dowladdu soosaarto go’aanno looga digayo musharixiinta in ay wax xiriir ah la yeeshaan Kenya.
MW Farmaajo ayaa doorashadii 2016 waxa uu ku ololeeyey Waddaniyad & nacaybka Itoobiya balse 4 sano oo xodxodasho imo Isdhexgal Itoobiya ah waxa ay u muuqataa in uu ku gelato ololaha doorashada 2021 Waddaniyad & nacaybka Kenya! taas oo aad u adag marka la fiiriyo xiriirka shacab ahaan ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.