Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedJubbaland oo aan diyaar u ahayn magacaabista guddiyadda doorashooyinka 2021

Jubbaland oo aan diyaar u ahayn magacaabista guddiyadda doorashooyinka 2021

Dowlad-goboleedka Jubaland oo villa-Somalia u aqoonsantahay maamul KMG ah ayaan diyaar u ahayn in uu soo magacowdo xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka 2021 inta heshiis laga gaarayo qadiyadaha la isku hayo oo ay ugu wayntahay arinta gobolka Gedo, sidda uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Sayid Aadan oo qodobada la isku hayo ku qeexay ciidamadda Dowladda Faderaalka ka jooga gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya iyo guddiyada maamulaya soo xulista wakiilada maamulka Somaliland ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ku xigeenka 1aad ee dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ku eedeeyay Dowladda Faderaalka ah in ay ka baxdey heshiiska doorashada ayaa intaas ku daray in ay doonayaan in gobolada Jubbooyinka lagu soo celiyo kuraasta qaar ee la geeyay gobolkada dowladdu maamusho ee Gedo.

“Sababtu waxa weye horeyna waan u caddeynay dhowr arrimood baa jira oo loo baahan yahay in xal laga gaaro inta aan guddiga gudbinin oo ay kamid tahay arrinta gobolka Gedo oo si sharci darro ah ciidamo ay u afduubeen oo maamulkii dowlad goboleedka Jubaland albaabada loo laalay taas oo qeyb ka ah in doorashadda lagu qabto qeyb kamid ah Xildhibaanadda” ayuu u sheegay BBC Sayid Aadan oo maamulkiisa kumatala Gobolka Gedo.

 “Xildhibaanada naftooda Garbahaarey loo qorsheeyay qeyb kamid ah waxaanu rabnaa in ay ku noqdaan Jubbooyinka oo dadkii Jubbooyinka deganaa oo metelaadaa ay xaqa u lahaayeen si qaldan loo wada geeyay Garbahaarey” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu shir deg-deg isugu yeero Golaha Wadatashiga Qaranka si xal looga gaaro dhamaan arrimahaan la xiriira Doorashooyinka Soomaaliya.

“Xalka waxa weyaan mas’uuliyadda madaxweynaha Soomaaliya ayay saaran tahay in uu ka war-wareego ma ahan” ayuu qeexay, Isaga oo intaasi raaciyay “Madaxweynaha Soomaaliya golihii wadatashiga Qaranka shir deg-deg ah ha isugu yeero qodobada taag-taagan – ama annaga aan ka cabaneyno ama dadka kale ee wax wada leh ay ka cabanayaan ama siyaasiyiinta ay ka cabanayaan”

“Mas’uuliyaddaas madaxweynaha ayay saaran tahay, haduu mas’uuliyaddaas garan waayo cawaaqibka ka dhasha isaga ayay raaceysaa oo lagula xisaabtamayaa,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa Aadan.

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo 28th November 2020, dib ugu laabtay xarunta KMG ah ee maamulkiisa ayaa ku eedeeyay dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay dhammaan ka baxday heshiisyadda lagu gaaray Muqdisho ee doorashooyinka dadban ee dalka.Xog: Axmed Madoobe oo la sheegay in uu Kismaayo uga guuray 3 sabab dartood | Caasimada Online

“Yaa ka taliya gobolka Gedo?……. “Aan dirno guddi ee xagaan u dirna?” ayuu iswaydiiyay Axmed Madoobe oo intaasi ku daray “Doorasho Kuma dhaceyso sida ay Maanta tahay Iyo Nuuca afduubka ee Xaalku Yahay ” ….. “doorashada aan qabanayo waa in ay tahay mid lagu heshiiyay….. waa sax doorasho waa in ay ku dhacdaa waqtigii lagu heshiiyay” ayuu yiri Yiri Axmed Madoobe.

Maxamed Calinuur Xaaji, xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tv-ga Qaranka ka akhriyey bayaan u muuqday in looga jawaabaya hadalka Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Nairobi ay “cadeystaay faragelin qaawan oo ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya”.Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay sababta dalka looga saaray safiirka Kenya - Radio Risaala: Somali News Online

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelineyso uruumaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyaddoo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ay ku gaareen Muqdisho 17-kii September, 2020” ayuu ku yiri Bayaanka.

“marnaba aqbali doonin in lasoo farageliyo ama lagu dhaqaaqo fal kasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaanshiyaha dalkeena” ayuu intaasi raaciyay.

Dowladda Kenya oo qoraal soo saartay talaabada ay qaaday Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay “in aysan dowladda Soomaaliya ka helin warqad rasmi ah oo ku saabsan go’aanka ay Safiirkeedii Nairobi joogay ugu yeertay, sidoo ku amartay Safiirka Kenya Amb Lucas Tumbo in uu iskaga baxo magaaladda Muqdisho”.

Bayaanka ayay sidoo kale ku muujisay sida ay uga xun tahay go’aanka dowladda Federaalka, waxa ayn sheegtay in ay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed ee dhammaan waddamada oo dhan.

Jadwalka Doorashada 2021 oo Madaxda DFS & DG ay ku heshiiyeen 1-da Oktoobar 2020 uma hirgelin sida la rabay marka la eego sida ay u kala horeeyaan Shaqooyinka oo waqti ku filan la siiyay balse caqabado ay hareeyeen.

Maanta oo ah 1-da Deseembar 2020 waa 10-Cishe ee loo qorsheeyay in lagu soo doorto Kuraasta Golaha Sare BFS 2020/24, iskaba dhaafee in la qabto howshaas waxaana la dhameystirin guddigii qaban lahaa doorashada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments