Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo gaartay wargelin dhaqangelin amar Madaxweyne ay kasoo gaartay Madaxweynaha Xilka kasii degaya Donald Trump oo ah in Soomaaliya laga saaro Ciidamada Ameerikaanka ah ee Jooga.
Madaxweyne Trump oo Xafiiska wareejinaya 20-ka Janaayo 2021 ayaa damacsan in Soomaaliya uu ka saaro 700 Askari marka la gaaro 15-ka Janaayo 2021 oo ah Shan cishe kahor xil wareejintiisa.
Trump ayaa damacsan in uu geeyo dalalka Soomaaliya deriska ah askarta & saraakiisha uu ka saarayo Soomaaliya si ay ula socdo dhaq-dhaqaaqa waxa uu uga yeeray Argagixisada Geeska Afrika.
Saraakiil katirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ujeedka Trump ee ka saarista Ciidamada Mareykanka uu yahay sidii wax uga badali lahaa qorshaha ciidan ee Soomaaliya oo dhacda Geeska Afrika.
Bilihii lasoo dhaafay waxa uu dhowr jeer Trump amray in Ciidamada Ameerikaanka ah ee Jooga Soomaaliya oo aan tiro ahaan gaarsiisneyn 1000-Askari in laga soo saaro, sababta & xogta ka dambeysay go’aankaas ayaa la aamisan yahay in uu dahaaray Madaxweynaha.
Trump oo la doortay sanadkii 2016-kii ayaa xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo 2017-kii, tan & xiligaas waxaa Soomaaliya duqeymo ka fuliyay Diyaaradaha Duulliye la’aanta & howlgalo qorsheysan oo ay sameeyeen Askarta Ameerikaanka.
Donald Trump waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykanka oo xoogga saara duqeynta Diyaaradaha ee Soomaaliya sida ku cad daraasad sanad waliba lasoo bandhigo lagu muujiyo weerarada Cirka ah.