Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal laga duubay Raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Dusit D2 Magaalada Nairobe Caasimadda Dalka Kenya oo dhacay 15-kii Janaayo sanadkii 2019-kii oo sababay dhimasho, Dhaawac & Khasaare maaliyadeed.
Weerarkaas oo socday 15-kii ilaa 16-kii Janaayo 2019-kii ayay Dowladda Kenya sheegtay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo dhan 21-ruux oo dhismaha la weeraray joogtay & 5-ta qof ee fulisay weerarka.
Dhaawaca waxaa Dowladda Kenya u diiwaangashan 28-ruux oo Kenyan iyo ajaanib isugu jirto, inkasta oo aysan kala sheegin dalalka ay kasoo kala jeedaan, balse goobta ayaa ah meel ay u badnaayeen Ajaanibta.
Magacyada 5-ta ruux ee weerarka Al-Shabaab ee dhismaha Dusit D2 u fulisay ayaa kala ah: Cismaan Axmed Xasan, Cali Saalim, Cabdiqani Carab Yuusuf, Maxamed Aadan Nuur & Maahir Khaalid.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka Shantaan ruux uu jawaab u ahaa hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday Magaalada Qudus.
kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba (CC Camera) ayaa qabtay muuqaallada qaar kamid ah ragga weeraray Dusit D2 ee Magaalada Nairobi, Dhismaha waxaa ku dhex yaalla hoteel, Goobo laga cunteeyo, Safaarado & meelo ay ku kulmaan shaqsiyaad kala duwan sida ka muuqata muuqaalka laga duubay dadka ku dhintay.
Kenya oo sheegtay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Hotel Dusit ee Magaalada Nairobi.