Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedBooliiska Kenya oo Shacabka uga digay weeraro Al-Shabaab qorsheysay.

Booliiska Kenya oo Shacabka uga digay weeraro Al-Shabaab qorsheysay.

Booliiska Kenya ayaa soosaaray digniin ku socota dadka rayidka ah si ay uga fogaadaan meelaha ay suuragal tahay in ay bartilmaameedsato koox katirsan Al-Shabaab oo ka tallaabtay xadka Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in dagaalyahanno katirsan Shabaab oo gaaraya 40-ruux in ay kasoo gudbeen dhanka Soomaaliya si ay weeraro ugu geystaan qaybo kamid ah Amuma & Hemey oo katirsan Ismaamulka Gaarisa Dhulka Soomaalida balse Kenya ay maamusho.

Booliiska ayaa warbixin amni uu soosaaray ku sheegay in iyada oo laga fogaanayo waxyeelo gaarta dadka rayidka ah in ay usoo gudbiyeen macluumaadkaan, isla markaana Dowladdu ay wado dabagalka shaqsiyaadkaas.

Kenya ayaa sheegtay in feejignaanta ay qayb ka tahay kahortagga ama yareynta waxyeelada ka dhalan karta weerarka suuragal ah in ay fuliyo koox katirsan Al-Shabaab oo xog ahaan ay u heleen in ay ka gudbeen Xadka Soomaaliya & Kenya.

Kenya oo Ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya 2011-kii, tan iyo xiligaas waxa ay la kulantay weeraro ka kala dhacay meelo kala duwan, khasaare dhimasho, dhaawac & mid hanti ayaa gaaray, waxaana sheegtay weeraradaas Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments