Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedDFS oo sheegtay in ay dishay Ajaanib katirsan Al-Shabaab

DFS oo sheegtay in ay dishay Ajaanib katirsan Al-Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa faah-faahisay howlgal Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Sablaale oo lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga gaar ahaan DANAB ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay 17-xubnood oo Soomaali & Ajaanib ah kuwaas oo ku sugnaa xarun lagu maamulo Kooxda qaabilsan Jabhada ee Al-Shabaab.

Magacyada Ajaanibta Dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay ayaa kala ah: Suleymaan Abuu Maxfuud oo ah ku xigeenka Jabhadaha Al-shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo Al-Shabaab u xilsaaran Amniga Xerada Jabhadaha, Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta Jabhadaha.

Saraakiisha Ciidanka gaarka u tababaran DFS ayaa sheegay in ay burburiyeen Xarunta Jabadaha Al-Shabaab ee Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay heleen xog ku saabsan goobta.

Ciidanka DANAB ayaa howlgalo kala duwan ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Jubada, Hoose & Jubada Dhexe oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments