Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMaxkamadda CQS oo xukun ku ridday Rag ku eedeysan dil ay geysteen.

Maxkamadda CQS oo xukun ku ridday Rag ku eedeysan dil ay geysteen.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad loo heysto Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muudey oo loo heysto dilal ay u geysteen Askar.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS ayaa sheegay in xeer ilaalinta Maxkamadda Militariga ay ku eedeysay labada ruux, isla markaana ay soo bandhigtay Bastooladaha dilka ay ku geysteen.

Bishii October 2020 ayay soo idlaatay dhageysiga dacwadda raggaan oo dilka geystay 2019-ka, balse dhaawacyo kasoo gaaray rasaas ay ku fureen Ciidamada gacanta ku dhigay ayaa sababtay in muddo dheer la daweeyo.

“Maxkamaddda CQS oo dhageysatay Marqaatiyaasha oo ku marag-furay eedeysanayaasha & Qareennada difaaca, waxaa u caddaatay Maxkamadda Ciidamada in Cumar Aadan Maxamed &Cabdulle Axmed Muudey ay yihiin dambiilayaal galay falka lagu soo eedeeyay oo ah dilka Cabdullaahi Maxamed Hilowle & Cali Cabdulle Maxamed, sidaas awgeed waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumiinta” G/Sare Shuute.

Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muudey oo ah Labada Eedeysane ayaa Warbaahinta la hadashay iyaga oo sharaxay qaabka dilka ay u geysteen & sida loo qabtay, waxaana ay qirteen in ay ka dambeeyeen falkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments